Tima-Ade University Oo Bandhiga Kuliyadaha Ee 2026 Ku Qabatay Magaalada Hargeysa
HARGEYSA – Jaamacadda Tima-Ade (Tima-Ade University) ayaa maanta oo Jimce ah, taariikhdu ku beegandahay 11-ka September 2026, si rasmi ah magaalada Hargeysa kaga furtay carwo-waxbarasho oo baaxad leh oo loogu magac daray "University Education Expo 2026". Munaasabadan oo ka dhacday dhismaha Haleelo Tower waxana ay bilaabmatay 4:00 PM ee galabnimo, iyada oo ay ka soo qaybgaleen arday, waalidiin, iyo madax ka tirsan bahda waxbarashada.

