Diiwaangelinta Ardayda Cusub oo Si Rasmi ah uga Bilaabantay Xafiiska Jaamacadda ee Degmada Arabsia

  • 14 September, 2026
News

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in hawlaha diiwaangelinta ardayda cusub ay si habsami leh uga socdaan Xafiiska ay Jaamacaddu ku leedahay Degmada Arabsia. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballaarinta adeegyada waxbarashada ee la gaadhsiiyo bulshada ku nool degmooyinka iyo deegaannada hoos yimaada xarumaha maamulka. Maamulka iyo hawl-wadeennada Xafiiska Arabsia ayaa diyaariyey dhammaan agabkii iyo habraacii looga baahnaa si loo fududeeyo adeegga diiwaangelinta, loona qabto ardayda doonaysa inay ku biiraan barnaamijyada kala duwan ee jaamacadda ay bixiso. Fariinta Ardayda: Waxaa la farayaa dhammaan ardayda ku sugan Degmada Arabsia iyo nawaaxigeeda ee doonaya inay iska diiwaangeliyaan jaamacadda in ay si degdeg ah ugu soo xidhiidhaan xafiiska, isla markaana ay ka faa'iidaystaan fursadan diiwaangelinta ee socota. Hore u soo gaadh xafiiska haddii aad ku sugantahay Degmada Arabsia si aad u xaqiijiso kaalintaada waxbarasho ee semester-ka soo socda