Jaamacadda Dawliga ah ee Tima-Ade (Hargeisa Campus) Oo Qabanaysa Kulamo Muhiim Ah Oo Lagu Orientaynayo Ardayda Dugsiyada Sare

  • 26 September, 2026
News

HARGEISA – Jaamacadda Dawliga ah ee Tima-Ade (Hargeisa Campus) ayaa ku dhawaaqday laba dhacdo oo waaweyn oo muhiim u ah dhammaan ardayda ka baxday dugsiyada sare, kuwaas oo loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo, lagu hagi karo, iyadoo looga jawaabayay cabashooyinka iyo jahawareerka ka dhasha doorashada takhasuska jaamacadeed iyo xirfadda gaaarka ah.

Dhacdada koowaad oo ah Kalfadhiga Hagidda iyo Talo-bixinta Xirfadda (Career Guidance & Counselling Session) ayaa lagu qabtay Hoolka Haleelo Tower (Aagga Deero Mall). Kalfadhigan oo uu aqoon-wadaag ahaan ka qaybgalay Abdirahman Sameco ayaa lagaga hadlay madaaddada ah "Sidee Loo Doortaa Career-ka Saxda ah ee Kugu Habboon?". Session-kan ayaa diirradda saaray:

Dhex-baadhista xiisaha, kartida, iyo xoogga ardayga. Sahaminta xirfado kala duwan iyo doorashada koorsada jaamacadeed ee kugu habboon. In ardaydu keenaan go'aanno ka go'an oo mustaqbalkooda dhisa.

Dhanka kale, Jaamacadda Tima-Ade Hargeisa Campus waxay sidoo kale ku dhawaaqday Bandhigga Waxbarashada Kulliyadaha Jaamacadda (University Faculties Expo 2026). Bandhiggan oo ka dhacaya Hoolka Haleelo Tower ayaa lagu soo bandhigayaa: Dhammaan kulliyadaha iyo barnaamijyada waxbarasho ee ay jaamacaddu bixiso. Hagitaan dhammaystiran oo ku saabsan doorashada takhasuska kugu habboon. Fursado deeq waxbarasho oo isugu jira Full Scholarship iyo Half Scholarship. Jaamacadda Tima-Ade waxay ugu baaqaysaa dhammaan ardayda dhameysatay dugsiyada sare inay ka faa'iidaystaan fursadahaas, maadaama doorashadaada xirfaddeed ee maanta ay go'aaminayso mustaqbalkaaga maanta iyo berri.