Wasiirro Iyo Masuuliyiin Sar-Sare Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Jaamacadda Tima-Cade Ee Magaalada Gabiley

  • 26 September, 2026
News

GABILEY – Dhisme cusub oo casri ah oo loo kordhiyay Jaamacadda Dawliga ah ee Tima-Cade ayaa maanta si rasmi ah looga xadhig jaray magaalada Gabiley. Munaasabadda xadhig-jarista ayaa waxaa si koosar ah uga qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasiir Xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Ciqlimiga, iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley.

Dhismahan cusub ee maanta xadhiga ka jaray ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu kordhinayo kababka aqooneed ee gobolka. Dhamaystirka dhismahan ayaa waxa lahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kaas oo sannadkii hore intii uu ku sugnaa magaalada Gabiley kaga dhawaaqay xafladdii qalin-jabinta ee Jaamacadda Tima-Cade in la dhamaystiri doono dhismahan.

Munaasabadda xadhig-jarista ka dib, masuuliyiinta ayaa socdaal ku maray qaybaha uu dhismaha cusubi ka kooban yahay, iyagoo ku ammaanay maamulka jaamacadda iyo dadweynaha gobolka horumarka baaxadda leh ee ka socda xarunta aqoonta ee Tima-Cade.

Guddoomiye guud iyo maamulka jaamacadda ayaa ka mahadceliyay taageerada joogtada ah ee xukuumadu la garab taagan tahay jaamacadda, iyagoo sheegay in dhismahani uu wax ka tari doono baahida loo qabo fasallo iyo xafiiseed dheeraad ah oo ay ardaydu ka faa'iidaystaan.